Sawiro:Arday Lasoo qasbay ayaa Bananbax ka dhigay Afmadow ayakoo gubay calankii soomaliya

afmadow

Ardayda Iskuulada Magaalada Afmadow ayaa maanta waxaa loo diiday inay aadan Iskuulada taas oo badalkeeda lagu qasbay inay sameeyaan Bananbaxyo looga soo jeedao Dowlada Soomaliya, Ciidamada amniga ayaa Kadaal ka riixayaan ardayda bananbaxaysa Halkaas oo ku Gubeen Calankii Soomaliya.

Ardaydaaan lagu qasbay inay dhigaan Bananbaxa ayaa waxaad arkaysaa ayakoo wali sita Buugaagtii iyo dareeskii Iskuulada waxaana lagu dhahay ku dhawaaqa Erayo lid ku ah Dowlada Soomaliya gaar ahaan Madaxwayne Farmaajo, Qaar kamida waalidiinta oo ka horyimid in ilmahooda ka baaqdaan Iskuulada ayaa Xabsiga Magaalada Afmadow la dhigay.

Deegaanka jubbaland ayaa maalmihii dhawaan waxaa kasocday Bananbaxa looga soo Horjeedo maamulka uu Hogaamiyo Axmed Madoobe kuwaas oo dhacay Baardheere, Buurdhuubo, Dhoobley iyo garbaharay kuwa kalana waxa laga filanayaa Deegaanada kale ee Jubbaland.
afmadow

afmadow

afmadow
afmadow

2 Comments

  1. Oo maxay ugunayaan calanku miyaanu calankoodii ahayn?,mise iyagu waa dal gaara.
    MEEL SHAN DAWLADOOD LAGA DHIGAY OO MID WALIBA DAWLAD GAARA ISU HAYSATO AYAA LA LEEYAHAY DALKU WAA MID IYO MIDNIMAANU RABNAA.
    OO MAXAA MIDNIMO LAGA HADLAA DHULKII TALYAANI KA XOROOBAY AYAABA SHAN DAWLADOOD ISU SARIFAYEE.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.