Lamoodse Lakiin Noqonweyday Jubbaland RJA

yuusf

Dhaqdhaqaaqa RJA waxuu soo dhoweynayaa hadalka Afhayeenkii hore ee JL. Hadakiisa waxuu ka maragkacayaa dhalliilihii maamulka JL ee aan in badan sheegeyne. Waxaan siyaasiyiinta kale ee weli sida indha la’aanta u dabasocota Axmed Madoobe ku boorineynaa in aay busaska socda ee bulshada iyo kooxaha isbedeldoonka saaranyihiin soo fuulaan intay goorogoortahay.
Mudane Seeraar waxuu gutay waajib saarnaa, hayeeshee aadbaan uga mahadcelineynaa xogta uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay. Waxaan shaki ku jirin haddii uusan maamulka Axmed Madoobe bedelin habdhaqankiisa in Jubaland burbur uu u horseedayo.
Jubaland waxay u baahantahay in si dhaqsa ah loo badbaadiyo. Waxaana lagamamaarmaan ah in bulshadu gacmaha isqabsado si looga hortaga xabaasha uu hogaamiyaha Jubaland la damacsanyahay in uu ku rido dowlad goboleedka Jubaland.
Waxaanu wada ognahay in maamulka Axmed Madoobe ku sifoobay qaran dumis.
Sidaa darteed dhibaatadiisu kuma koobna Jubaland, balse waxuu halis ku yahay midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.
Yuusuf Ducaale,
gudoomiyaha dhaqdhaqaaqa RJA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.