Dab Xalay ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla Magaalada Boosaaso

dab

Warar dheeraad ah oo aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay kaalin shidaal oo ku taalla uu dab xoogan ka kacay, Kaalinta shidaal uu dabka ka kacay ayaa waxa ay ku taallaa meel ku dhow Xarunta Ciidamada Badda ee dowlad-goboleedka Puntland, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah, si loo damiyo dabka kaasi oo ahaa mid aad u xoogan.
Ilaa iyo hadda lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkaas, inkastoo uu geystay khasaare hantiyeed ballaaran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.