Daawo:Xildhibaan Cabdi shire Maamulka Jubbaland waxay soo maan Guuriyeen Dhaqankii Tikrayga

Xildhibaan Cabdi shire Jaamac oo kamida Xildhibaanada Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa waxuu ka hadlay dhibaatada Ciidamada Dowlada Kenya kawadaan jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo kuwaas oo ka gaystay Dilal, Kufsi iyo Burburin hantida shacabka Soomaliya oo ka mid tahay Hormuud.

Dhanka kale xildhibaan Cabdi shire ayaa waxuu kaloo sheegay in Maamulka Jubbaland gabay Masuuliyada isagoo indhaha ka qarsaday tacdiga ka socda Gobolka Gedo oo ay gaysanayaan Ciidamada Kenya, ugu dambaynta Xildhibaan Cabdi shire ayaa sheegay maamulka jubbaland inay soo dhaqan guuriyeen dhaqankii xumaa ee Tikreyga waqtigiisa dhacay Dowlada Soomaliya ayuu ugu baaqay.

Xildhibaan Cabdi shire ayaa Dowlada Somaliya ugu baaqay inay Dowlada Soomaliya ka hadasho dhacdadaan ka dhacday Gobolka Gedo taas oo mar hore shirkii Golaha wasiirada ee lagu qabtay Garoowe looga Hadlay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.