Sawiro:Bandhiga Hal-abuurka Bulshada oo Garbahaaray ka dhacay

garbo

Maanta waxaa lagu qabtay Magaalada Garbahaaray ee xarunta gobolka Gedo Barnaamijka Bandhiga Hal-abuurka Bulshada waxaana lagu soo bandhigay Suugaan kala duwan, Murti iyo maah-maahyo Cusub farshaxanno aad usoo jiitay Dadka Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay Buugaag ay kamid yihiin, dhiganaha Jacayl Tuullo & Dariiqa Garbahaarrey, iyo kuwa kale.

Gudiga soo qaban qaabiyey Bandhiga Hal abuurka Buslshada ayaa Waxaay umahad-celinaynaa Hay’ada GEWDO oo codsatay in ay maal galiso Buugga Jacayl Tuullo.
Waxaa xusid mudna in ay ahaayeen Gabdhaha Tirada ugu badan ee wax soo bandhigtay Maanta 75%, waana mid ay aad ugu farxeen Bulshada.

Gaba gabada Bandhiga Hal abuurka Bulshada Garbahaaray ayaa waxaa laga filayaa inay abaal marino gudoonsiiyaan Gabayada & Farshaxana kaalimaha hore galay.

F.G. Qofkii rabo inuu ka qayb-qaato dhiira galinta Dadkaas Hal-abuurayaasha ah, waxuu lasoo xariiri karaa Howl-wadeenada Maktabadda.
garbo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.