Soomaliya iyo Kenya ayaa heshiis is afgarad ah kala saxiixday

marreye

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa Magaalada Nairobi kula kulmay dhigiisa Kenya Mr. Peter G. Munya.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka midtahay xiriirka labada dhinac, waxayna ku heshiiyeen dhowr arrimo oo ay ka midtahay
1- In la hirgeliyo Heshiiskii Wadaaga Ganacsiga ee labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen 29 November 2017
2- In la dheelitiro Ganacsiga labada Wadan
3- In Soomaliya laga caawiyo sidii ay Ganacsi xor ah ula yeelan lahayd Wadamada ku mideysan EAC iyo COMESA
4- In Diyaaradaha Qaadka geeya Soomaaliya la soo saaro kaluun iyo in labada Wasaaradood iska kaashadaan dhinaca Farsamada iyo Shuruucda
Soomaaliya ayaa Bishii July ee Sanadkan ku biirtay Suuqa ganacsiga xorta ah ee Bariga iyo bartamaha Qaaradda Afrika ee loo yaqaan COMESA, waxanay hir gelinta heshiisyadan lala galay Kenya dhabbaha u xaarayaan inuu soo kabto dhaqaalaha Dalka oo muddo hooseeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.