Jabuuti oo ka hadashay Xirirka Walaal Tinimo ee la leedahay Soomaliya

jabuuti

Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirka arrimaha dibedda dalka Jabuuti ayaa boggiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal kooban oo uu uga hadlayo xiriirka labada dowladood Jabuuti iyo Soomaaliya.
Wasiirka ayaa Qoraalkiisa ku sheegay in xiriirka dhaxeeya labada dal uu sii ahaan doono mid xoogan marka loo eego khilaafkii dhawaan ka dhashay booqashadii madaxweynaha Soomaaliya bishii tagtay ee July uu ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Booqashada madaxweyne Farmaajo ee dalka Jabuuti uu ku joogo iyo kulamada uu la qaatay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle ayuu ku sheegay in ay dhidibada u sii adkeyn doonto xiriirka walaal-timo ee labada dowladood.

Jabuuti waxaa ay qeyb ka tahay howlgalka midowga Africa AMISOM waxaan Soomaaliya ka jooga Kumannaan ciidamo ah oo gaar ahaan ka howlgalka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.