Muuqaal:Wasiirka waxbarashada Soomaliya ayaa kormeereen xarumaha Jaamacadda umadda ee magaalada Muqdisho,

goiodax

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan wasiiru dowlaha wasaaraddaas iyo guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa kormeerkooda ugu kuurgalay dhowr xarumaha Jaamacadda Ummadda ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaarkood burburay dagaalladii sokeeyey ee uu dalka soo maray.
Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Prof: Maxamed Axmed Jimcaale ayaa wasiirka Waxbarashada Soomaaliya warbixin ka siiyey xarumaha burbursan iyo kuwa shaqeeya ee Jaacadda.
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in xarumaha u dhisan Jaamacadda Umadda ay ka ballaaran yihiin kuwa burbursan, waxa uu hoosta ka xariiqay in ay xoogga saari doonaan dhisidda dhamaman xarumaha Jaamacadda Ummadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.