Madaxweynaha Somaliya oo si diiran loogu doo dhaweeye dalka Jabuuti

farmajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Jabuuti,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Safarka madaxweynaha ee dalka Jabuuti ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soojireenka ah ee ka dhexeeye labada dal, horumarinta iskaashiga iyo wada jirka labada dowladood.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti wuxuu kullamo la yeelan doonaa madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Iscmaaciil Cumar Geelle oo ay iska xog wareysan doonaan xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab oo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay qeyb ka tahay howlgalka Nabad-sugidda Midowga Afrika ee AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.