Taliyihii Cusbaa ee Nabadsugida Jubbaland iyo Kuxigeenkisii oo Garoonka Kismaayo lagu xiray

Magaalada Kismaayo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxay Noqatay Magaalo jamhad ay xoog ku haysato taas oo nidaam iyo kala dambayn ay san kajirin, Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo waxaa ka degtay diyaarad sidey taliyaha Cusub NISA Cali Mire Ducaale oo dowladda Soomaaliya usoo Magacaawday Jubbaland iyo ku xigeenkiisa Maxamed Ibraahim .

Labada Sarkaal ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ku xirey Ciidamo daacada u ah Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe kuwaas oo ku sifoobay fowdo iyo kala dambayn la’aan sida wararka nagu soo gaarayaan ayaa waxay sheegayaan in labada sarkaal ay caawa ku hoyden garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo kuwaas oo bari lagu wado in Magaalada muqdisho loo cesho.

13kii Luulyo ee sanadkan ayaa sidan oo kale Axmed Madoobe garoonka Kismaayo ay diyaaraduu saarnaa ku celiyeen Gen Cali Bogmadow oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya usoo magacowdey taliyaha qeybta 43aad.

axmed Madoobe ayaa hada waxuu u eg yahay Nafla caari kaas oo waayey taageeradii shacabka jubbaland iyo kan ummada Soomaliyeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.