Munaasabad lagu dhiira gelinayey Dhalinyarada oo lagu qabtay

Yariisow

Daahfurka Madasha Dhalinyarada iyo Habeenka Muqdisho oo bishiiba mar la qaban doono ayaa ka dhacday xarunta Demada Kaaraan, waxaana Soo qaban qaabiyay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashaneysa maamulka Gobolka Banaadir iyo Dhalinyarada Ubaxa Caasimadda oo door weyn ka qaatay.

Gudoomiyaha Degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali Yaanyo ayaa sheegay in degmada Kaaraan ay diyaar u tahay martigalenta Barnaamijyada noocaan oo kale ah ee lagu dhiira gelinayo dhalinyarada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in Maamulka uu u sameynayo shaqo abuur dhalinyarada sidoo kalena mudadii uu joogay gobolka ay ka shaqeeyeen isku xerka Arrimah Bulshada.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Xasan cali Maxamed Amar dambe ayaa dhalinyarada ku guubaabiyay in ay ka shaqeeyan nabada iyo hormarinta Dalka, si loo gaaro hadafyada waaweyn ee horyaala xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in wasaaraddu ay wado qoreshayaal lagu hormarinayo isdhaxgalka bulshada iyo dhalinyarada taasi muhimad gaar ah siineysa dhalinyarada maadaama ay boqolkiiba 75 ay dadka Soomaaliyed yihiin.

Maanta oo kale 12 ka bisha agoosto waxaa dunida laga xusaa maalinta dhalinyarada Aduunka, waxaana Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka sida weyn looga Maalintan.

Warbixintii warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.