Daawo:Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya oo Lagu wado inuu Noqdo Madaxwaynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya

axmed

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ka dhacay Kulan ay isugu yimaadeen Golaha dhexe ee Xisbiga Dimiqoraadiga Shacabka Soomalida Itoobiya ayaa waxay Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya u magacaabeen wasiirkii Isgaarsiinta Itoobiya Axmed Shire Maxamed, Waxuuna Badalayaa Madaxweynihii hore dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaasi hore u hayey.

Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya oo hada loo magacaabay Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka Soomalida Itoobiya ayaa waxay xariir hoose lee yihiin Ra’iisalwasaaraha Itoobiya abiy Axmed waxaana loo malaynayaa inuu noqon doono Madaxwaynaha Deegaanka Ismaamulka Soomalida Itooboobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.