Ra’iisulwasaraha Soomaliya oo u ambabaxay Dalka Suudaan

Wafdigan uu hoggaaminayo raisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u amba baxay dalka Suudaan,iyadoo mas’uuliyiin ay ku sii sagootiyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ujeedka socdaalka raiiusl wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa la xiriira sidii ay uga qeybgali lahaayeen shir looga hadlayo arrimo la xiriir anabadeynta Suudaanta Koonfureed iyo qeybsiga khayraadka ka dhexeeya labada dowladood ee Suudaan..

Shirka oo ay garwadeen ka yihiin wadamada ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya kujirto ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee halkaasi ka taagan.

Raiisul wasaare Xasan Cali Khayre inta uu joogo magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan waxaa lafilayaa in uu la kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha kuyaala dalkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.