Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Booqday Xaafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Garoowe

wasiir

Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abukar Islow ayaa booqday xarunta laanta 6-aad Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee ka howlgasha magaalada Garoowe.
Wasiirka ayaa kormeer ku soo sameeyay dhammaan xafiisyada ay Hay’addu ku shaqeyso, isla markaana warbixin ka dhageystay agaasimaha laanta 6-aad ee Hay’adda Maxamed Faarax Qanbi iyo saraakiisha kale ee ka howlgasha Laanta 6aad.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa ku booriyay saraakiisha Hay’adda ee ka howlgasha laanta 6-aad ee deeganada Puntland shaqada wanaagsan oo ay qaranka u hayaan, waxaana uu kula dardaarmay in si hufan loogu adeego bulshada Soomaliyeed.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Xafiisyo waxay ku leedahay inta badan Gobolladda dalka kuwaasi oo Shacabka Soomaliyeed u fududeynaya helida adeegyada Baasaboorka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.