Daawo:Musharaxa Madaxtinimada Jubaland ayaa si kulul uga hadlay dhibaatada kenya ka gaysatay gobolka Gedo

Dowlada Kenya Ayaa mudooyinkaan dambe waxay kawaday Gobolka Gedo Dilal, Dhac, buurburin Hanti dadwayne iyo Kufsi Taas oo maamulka Jubbaland iyo dowlada Soomaliaya Ka gaabiyeen inay wax kaqabtaan.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdi Maxamed Warsame deeq faabdhe ayaa si kulul uga hadlay dhibaatada kenya ka gaysatay gobolka Gedo taa soo marka Cambaareeyey xasuuqa Kenya Ka gaystay Gobolka Gedo.

Waxaa Kaloo Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland dhaliil u soo jeediyey maamulka Fadhiidka ah ee uu Hogaamiyaha Ka yahay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe Kaas oo hagardaamo kawada Gobolka Gedo mana uusan ka hadlin dhibaatada Ciidamada Kenya ku hayaan shacabka Gedo.

Musharaxa Deeq faandhe ayaa waxaa u mahadceliyey Shacabka Soomaliyeed iyo Xildhibanada wasiirada,mdaxwayne kuxigeenka Galmudug sida wanagsan ee ay uga damqadeen dilalka iyo kufsiga ay Ciidamada Kenya u gaysteen shacabka Soomaliyeed ee Gobolka Gedo.

Ugu dambayntii deeq faandhe ayaa dowlada soomaliya ugu baaqay inay qaadato kaalintii ay lahayd taas oo inay gurmato shacabka Soomaliyeed ee Gobolka Gedo ayna Ciidamo udirto Gobolka Gedo si ay uga Hortaagan xasuuqa ay Ciidamada Kenya Halkaas kawadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.