Madaxweynaha Hirshabeele oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiir Siciid Xaashi

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray Qoyska, ehelada iyo shacabka Hirshabelle ee uu ka geeriyooday marxuum,Siciid Xaashi Tooxoow, oo ahaa wasiir ku xigeenkii Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Allaha U naxariistee Siciid Xaashi Tooxow ayaa ku xanuunsanayay Muqdisho, isagoo xalay ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha Hirshabeele ayaa sheegay inuu tiiraanyada iyo murugada la wadaagayo Qoyska, Ehalada iyo Shacabka Soomaaliyeed waxuuna ilaahay uga baryayaa inuu dambigiisa dhaafo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.