Shacabka iyo Maamulka Puntland oo u diyaar Garoobay Soo dhaweynta Ra’iisalwasare Khayre

khayre

Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tagay Magalada Garoowe ee Xarunta dowlada goboleedka Puntland.
Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga raiiusl Wasaare Khayre ayaa ka socota magaaladaasi,iyadoo madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada ay isku diyaarinayaan sidii ay soo dhaweyn diiran ay ugu sameyn lahaayeen wafdigaasi,sida uu soo sheegayo Wariyaha warbaahinta Qaranka MAxamed Muuse Tarsan oo jooga Garoowe.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta uu joogo Puntland waxaa uu booqan doonaa Magaalooyin ka mid ah puntland,isaga oo ka hirgelin doono mashaariic horumarineyd.
Sidoo kale waxaa uu ka qeybgalidoonaa sanadguuradii 20-aad ee aas aaskii Puntland,taasi oo ku began 1-da bisha soo socta ee August 2018,isagoona intaasi kadib la kulmi doona madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.