Sawiro:Xaflad lagu Sagoontinaayey Deeqa Maxamed Siyaad laguna Wareejinaayey Dhaaqalo lagu talagalay Isbitaalka Balanbal ayaa london kadhacaday

Magaalada London ee Caasumada Ingiriiska waxaa kadhacday Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayna ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada oo lagu sogoontinaayey Deeqa Maxamwed Siyaad Barre, waxaa kaloo Munaasabadaan ku saabsanayd dhaqaalo loogu talagaly in wax looga qabto baahiyaha kajira Isbitaalka Magaalada Balanbale ee Gobolka Galgaduud oo lagu wareejinaayey Deeqa Maxamed Siyaad Barre.

Dadkii ka qayb galay Munaasbadaas ayaa waxay ka kala yimaadeen qaybaha Kala duwan ee Dalka UK sida Magaalooyinka London iyo Birmingham, Bilowgii Munaasbadaan ayaa waxaa lagu Furay ayaadaha quraanka Kadibna waxaa loogu duceeyey Deeqa Maxamed Siyaad Barre sida wanagsan ee ay uga qab qaadatay wax kaqabahsda Isbitaalada Soomaliyeed qarkood iyo arimaha Bulshada taas oo ay waqti badan Galisay.

Ugu dambayntiina waxaa Deeqa Maxamed siyaad lagu wareejiyey Lacag dhan 40,000 Afartan Kun oo doolar oo jaaliyada Soomaliyeed ee Uk ugu deeqaa isbitaalka Degmada Balanbal waxaa kaloo ilahay looga baryey in safarkeeda u fududeeyo.

Deeqa Maxamed Siyaad ayaa waxay Jaaliyada Uk uga Mahadcelisay sida wanagsan ee ay uga qayb qaateen baahiyada kajira isbitaalka Balanbal iyo dhibaatooyinka kajira Soomaliya waxayn waxayna urajeysay Jaaliyada Galjuba iyo Jaaliyadaha Kale kaalinta joogtada ah ee ay kaqaataan arimaha Bulshada.
deeqa

deeq

balanbal

deeqa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.