Daawo:Wasaaradda Diinta oo ku dhawaaqdey Xiliga ay Bilaabanayso aaditaanka Xajka

xaj

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafra XFS ayaa ku dhawaaqadey in Toddobaadka soo socda ay billaaban doonaan Socdaalka Xujeyda Soomaaliyeed magaalada Barakeysan ee Makah.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna sii hayaha xilka wasiirka Mudane Cabdixakiin Xasan Ibraahim (Ashkir) oo Teleefanka kula hadlay Warbaahinta Qaranka isaga oo jooga Sacuudiga ayaa sheegay in masuuliyadda Wasaaraddu iyo Xukuumaddu in ay aheyd sidii Xujeyda Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa sannadkaan Arrimaha iyo Xajka laguna guuleystay oo aysan jirin wax caqabad ah.
Waxa uu hoosta ka xariiqay wasiiru dowlaha in la kordhiyey shirkadihii ka shaqeynayey Arrimaha Xajka oo la gaarsiiyey ilaa 5 Shirkadood, waxa uu carrabka ku dhuftey in la daah-furay bixinta dal ku galka Sacuuciga ama (Visa) ee xujeyda Soomaaliyeed.
Wasiiru dowlaha Diinta iyo Awqaafta ayaa sheegay in sannaadkaan shirkadaha la saaray masuuliyad dheeri ah, Xukuumadduna ay kor joogteyn joogto ah ku sameyn doonto.
“Umadda Soomaaliyeed waxaa ugu bishaareynayaa in Xajka uu qabsoomayo, kaalin aad weyn ayeey ka qaateen xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, shirkadaha waxaan kula dardaarmayaa in ay go’aankii Xukuuamdda ay sideeda u fuliyaan, wasaaradda Xajka Sacuudigu si wanaagsan ayeey noola shaqeeyeen, kaslooni buuxdo ayaan qabnaa saacaddaan, laga bilaabo shalay waxaa la qeybiyey Kaararkii shirkadaha, annagana dabagal iyo qiimeyn ayaan ku sameyn doonnaa” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdixakiin Xasan Ibraahim (Ashkir)
Wasiiru dowlaha ayaa ugu dambeyn sheegay in Xajka uu u furan yahay, shirkadaha ka shaqeynaya Xajka, marka waajibaadka Xujeyda soo dhammaadana lagu xisaabtami doonno adeeggii ay sanandkaan la siiyey sida uu ahaa.
Warkii warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.