Muuqaal:450 Arday oo u fariisatay Imtixaanka ka mid noqoshada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya

ciidan

450 dhallinyaro Soomaaliyeed oo soo codsaday inay ka mid noqdaan Ciidanka Xoogga dalka, kadib markii Taliska Ciidanka Difaaca dalka uu soo bandhigay Fursado shaqo, ayaa maanta u fariistay imtixanaadka Sargaal iyo Sargaal xiggeeno, kaasi oo lagu qabtay dugsiga tababarka ee TurkSom.
Goobta Imtixaanaadka lagu qaadayey ayaa waxaa goob joog ka ahaaa Gudigga imtixaanadka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dawladda Turkiga.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen oo ay wehliyaan saraakiil kale ayaa maanta kormeeray xarunta dugsiga tababarka ee TurkSom oo ay ka socotay qaadista imtixanaadka Sargaal iyo sargaal xigeenada ee ka mid noqonaya Ciidamada Xoogga Dalka.
Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa mid mid u xog wareestay Ardaydii galeysay imtixaanaadka, isaggoo weydiiyay sida ay u arkaan ka mid noqoshada Ciidanka Xoogga Dalka.
Saraakiisha Ciidamada dawladda Turkiga ee gacanta ku hayo Dugsiga tababarka ciidanka ee TurkSom, ayaa waxay Taliyaha Ciidanka Xoogga u faah faahiyeen qaabka loo kala xulay Ardaydaasi, waxaana Taliyaha Saraakiisha qaadeyso imtixanaadka uu ka dalbaday in ay ku shaqeyaan si cadaalad ah.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa dawladda Turkiga ugu mahad celiyay kaalinta muuqato ay ka qaadanayaan dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.