Duqayn Cirka ah oo Shabab Qasaaro loogu Gaystay degaanka Qalimoow

diyarad

Maleeshiyo katirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay fiidkii isku dayey inay weerar ku qaadaan fariisimo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybta ka howlgasha gobolka Shabeelada Dhexe ku leeyihiin deegaanka Qalimow oo u dhaxeeya Degmooyinka Jowhar iyo Balcad balse waxaa ka hortgay Ciidanka Daraawiishta kuwaas oo sidoo kale u geystaty qasaaro badan.

Maleeshiyada ayaa markii ay isku dayeen inay dib u laabtaan ayaa sioo kale waxaa ay lakulmeen duqeymo dhanka Cirka ah kuwaas taas oo looga burburiyey labo gaari oo ay wateen.

Warar kale ayaa sheegaya in duqeynta ay uga dhinteen Maleeshiyo badan kuwaas oo saarnaa Gawaarida duqeynta lala beegsaday.

Horay Xarumo Ururka Al Shabaab ku lahaayeen meelo kamida Gobolka Sh. Dhexe ayey isaga guureen kadib markii dagaalo xoogan kala kulmeen Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Warkii warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.