AKHRISO:- Tobanka Arday ee ugu Sarreysa Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare

wasiir

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan oo caawa Shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho, ayaa ka warbixiyey Natiijada Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare dalka ee Sanad dugsiyeedka 2017-2018.
Wasiirka ayaa sheegay Sanadkaan Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka in ay u fariisteen 25,675 oo isugu jira 16,552 Wiil iyo 9,123 Gabdhood, isaggoo xusay in tirada Imtixaanka ka gudubtay ay tahay 20,030 Arday.

Wasiirka ayaa xusay in Imtixaanka lagu qabtay 92 Xarumood oo Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ku yaalla, waxaana uu u mahad celiyey dhammaan intii gacan ka geeysatay qabsoomida Imtixaanka oo ay ugu horreeyaan Madaxda Qaranka.
Halkaan Hoose ka Akhriso Tobanka Arday ee Ugu Sarreysa Imtixaanka
arday

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.