War Hada Soo dhacay Dowlada Itoobiya oo Ka baxday Heshiiskii Dekada BerBera

itoobiya

Dowlada Itoobiya ayaa waxay sheegtay inay kabaxday Heshiiskii Dekada Berbera ee ay lagashay Shirkag Dp world ee laga lee yahay dalka Imaaradka Carabta, Heshiiskan oo ay qeyb ka tahay dowladda Itoobiya ayaa waxa uu dhigaayey in shirkadda DP World ay maamulayso dekeda Berbera, iyada oo leh saami dhan 51%, halka Somaliland ay yeelanayso boqolkiiba 30%, Itoobiyana 19%.

Dowlada Itoobiya ayaa waxaa Sheegtay inay ka maarantay isticmaalka Dekada Berbera taas awgeedna aynan wax maalgashi ah ku sameynayn Dekada Berbera, Dowlada Itoobiya ayaa shaacin in ay u wareegayso Dekada Massawa ee dalka Eratariya, waxaa kaloo la ogayn in halka uu ku dambayn doono Heshiiskii shirka Dp world iyo Soomaliland Madaama ay Itoobiya Iskaga Baxday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.