Daawo:Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya

murasl

Kusimaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza.
Safiirka waxaa kulanka ku wehlinaayay saraakiil ka tirsan Safaarada Qadar ee Soomaaliya.
Kulanka waxaa loogu hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood iyo Sidoo kale kulanka waxa loogu hadlay wada shaqeynta baarlamaanada labada dowladood ee Qadar iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza ayaa guddoomiyaha golaha shacabka kaga mahad celiyay sida diiran ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay, ” Mudane guddoomiye waxa marka hore hambalyo iyo salaan kaaga wadaa guddoomiyaha baarlamaanka Qadar, dowladda Qadar waxay balan qaadeysaa iney dhinac walbo ka taageereyso golaha shacabka, waxa ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada baarlamaan “. ayuu yiri Safiirka.

Kusimaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacbaka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in dowladda Qadar ay kaalin weyn ka qaadaneyso hormarka dalka ka socdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.