Sawiro:Shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Brussels “Somali Partnership Forum”

shir

Shirweynaha Caalamiga ah ee looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo shir guddominaayey Madaxwaynaha Soomaliya kaas oo ay ka qeyb galayaan Madax aad u farabadan ayaa ka furmay dalka Magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirkaas waxaa shir guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiirka Arrimaha dibada Swedenwaxana goobjoog ka ah Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya,Xildhibaano,Madaxda Dowlad goboleedyad, iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Dowladaha taageeradda siiya Somalia iyo Hay’addaha Samafalka ee Caalamiga iyo Ururadda Jaamacadda Carabta, Midowga Europe, Midowga Afrika.

Shirweynaha ayaa waxa uu socon doonaa mudo laba Maalin ah,waxana gaba gabada laga soo saari doonaa Warmurtiyeed ku saabsan qodobadii ka soo baxay kulankaas.

shir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.