Daawo:Madaxwaynaha Jubbaland oo Lagu eedeeyey inuu Alshabab Xirir la lee yahay

madoobe

Madaxwaynaha jubbaland ayaa waxaa eedeyn xoogl;e uga imaanayaa Shacabka iyo Siyaasiyiinta Jubbaland, tii ugu dambaysay waxay ka timid Musharaxa Madaxwaynaha jubbaland Cabdi M Warsame “Deeq Faandhe” waxuu ku eedeeyey Axmed madoobe inuu xirir la lee yahay Kooxda Alshabab.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Deeq faandhe ayaa marka Hore waxuu Cambaareyey Gaf ay kula kaceen Maamulka Axmed madoobe Taliyihii Cusbaa Ciidanka Xooga Dalka usoo magacaabeen qaybta 43aad Kaas oo Axmed madoobe Garoonka Kismaayo kasoo celiyey, waxuuna Musharaxa Deeq faandhe Sheegay inay Qalad laga galay Dastuurka Soomaliya madama Dowlada Soomaliya ay tahay Waajib saran difaaca Dalka.

ugu Dambayntii ayaa Musharaxa Madaxwaynaha jubbaland Deeq Faandhe u mahadceliyey Wasaarada Gaashaanka Soomaliya sida ay taliye ugu soo magacaawday Qaybta 43AAd taas oo baahi wayn loo qabay waxaa kaloo u mahad celiyey Ciidamada Xooga Dalka ee kusugan Gobolka Gedo gaar ahan kuwa Magaalada Garbahaaray sida ay u soo dhaweeyeyn Taliyihii Ciidanka Xooga Dalka Soomaliya Jeneraal Cali Bogmadow , Musharax Deeq faandhe waxuu dowlada Soomaliya ugu baaqay inay qadato kaalintii ay lahayd oo Ciidamada kusugan Jubbaland sida ugu dhaqasaha Badan La hawlgaliyo si looga Guulaysto Alshabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.