Muuqaal:Wasiirka Difaaca iyo Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka sida oo Kormeeray Xerada Hiilweyne

wasiirka Gaashaandhigga mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe, ayna Xubno ka yihiin Taliyeyaasha Ciidamada Asluubta, Booliska, Xoogga dalka iyo Taliye ku xiggeenka Hay’adda NISA, ayaa maanta kormeer waxay ku tageen Dugsiga Hiilweyne ee duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe, kaasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu horumarinayo tayada Ciidanka xoogga dalka.
Mas’uuliyiinta, ayaa la kulmay saraakiisha, iyaggoo ka xog wareystay xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka ka howlgala deegaanada Balcad hoos yimaada, waxayna ku soo wareegeen qeybaha ay ka kooban tahay xeryaha Hiilweyne.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sareeyo gaas C/weli Jaamac Gorod, oo la hadlayay ciidanka, ayaa u sheegay in ciidanka xoogga dalka dib u habeyn lagu sameyn doono.
Wasiika Gaashaandhigga mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe, ayaa sheegay in baahida jirta wax laga qaban doono, isla markaana ciidanka looga baahan yahay in ay waajibkooda gutaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.