Dowladda Soomaaliya oo si care leh uga jawaabtay Hoobiyayaashii Lagu Gaaracay Wadajir

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Hoobiyayaasha ahaa ee ku dhacay degmada Wadajir maalintii shalay aheyd.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo ayaa tacsi tiiraanyo leh loogu direy Qoysaska dadkii noloshooda ku waayay weerarka hoobiyayaasha,iyadoona u rajeysay kuwa ku dhaawacmay in si deg deg ah Alle u bogsiiyo.
“Dowladda Federaalka waxay aad uga xun tahay falkan foosha xun ee fuleynimada ahaa oo lagu soo beegay maalinta Xornimada oo ah maalin u dabaal dagayaan shacabka iyo qaranka”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
Weerarkii Hoobiyayaasha ahaa ee shalay ku dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa ku dhaawacmay 5-ruux oo isku qoys ahaa waxaana sheehtay Xarakadda Al-Shabaab mas’uuliyadda weerarkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.