Xildhibaannada Labada Aqal Ee Laga Soo Doorto Galmudug ayaa digniin udiray Xaaf iyo Shaakir

Xildhibaannada Labada aqal ee laga soo doorto Galmudug ayaa qoraal kasoo saaray khilaafka ka dhaxeeya madaxda sare ee Galmudug, iyaga oo dhanka kalena talooyin soo jeediyey.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka mudanayaashan:
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
XILDHIBAANADA LABADA AQAL EE LAGA SOO DOORTO GALMUDUG
MUQDISHO, 28 MAY 2018
Ujeeddo: Caddayn mawqifka Aqlabiyadda xildhibaanada & senetorada qaranka ee laga soo doorto a Dawlad goboleedka Galmudug ee ku aadan xaaladda khilaafka Galmudug.
Senetorada & Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka ah ee laga soo doorto deegaan doorashada DG GALMUDUG, kulamo taxane ah oo ay ka yeesheen xaaladda Galmudug ay ku sugan tahay, gaar ahaan kala qeybsanaanta madaxda sare ee maamulkaas & cabashooyinka ka soo baxayey bilihii la soo gudbey beelo ka mid ah reer Galmudug kuwaasoo ka dhashay qaabka loo hirgaliyey heshiiskii Jabuuti ay ku soo galeen Dawlad goboleedka Galmudug iyo maamulka ASWJ.
Xildhibaanada qaran ee labada aqal, waxey sameeyeen dhanka kale kulamo ay la qaateen; dhinacyadii iska soo horjeeday sida; madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Ducaale Xaaf, Madaxweyne ku xigeenka M.ne Maxamed Xaashi, iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug M.ne Cali Gacal Casir, qaar ka mid ah beelaha cabashada qabey si xog dheeri ah iyo faham ku filan looga helo xajmiga khilaafka jira iyo qodobada keenay kala qeybsanka madaxda maamulka iyo tabashada beelaha, ayadoo ay noo soo baxdey in khilaafku uu salka ku hayo :
Qaabka loo hirgaliyey heshiiskii jabuuti in uusan ahayn mid waafaqsan qodobadii heshiiskaas ku xusnaa gaar ahaan qaabka la isugu daray labada barlamaan oo aan isku dheelitirnayn & inaan la tixgalin awood qeybsigii beelaha reer Galmudug ku heshiiyeen.
Dastuur cusub oo lagu bedelay dastuurkii Galmudug lahayd, kaasoo si gaar ah looga tixgaliyey dhinac ka mid ah dhinacyadii heshiiska galay, laguna qoray qodobo ka hor-imaanaya dastuurka qaranka isla markaana noqday mid aan ka turjumayn maslaxadda beelihii Galmudug wada dhistay ama abuuraya xasilooni darro iyo muran aan dhammaad lahayn mustaqbalka fog.
Sidaas awgeed, Aqlabiyadda Xildhibaanada qaran ee labada aqal ee barlamaanka Federaalka shirar ay isugu yimaadeen 24 & 27 May 2018, markii ay si qoto dheer u eegeen cawaaqib xumada ka dhalan karta xaaladda Galmudug ka taagan haddii aan xal degdeg ah loo helin & in qodobada khilaafaadku salka ku hayo ay yihiin kuwo si weyn uga horjeeda heshiiskii Dawlad goboleedka Galmudug lagu dhisay ee ay dhigteen beelaha Galmudug wada dega oo ku heshiiyey laba qodob oo waaweyn oo kala ah; wadaagga maamul nidaamka awood qeybsigiisa cad yahay iyo dastuur ay ansixiyeen ergo beelahaas kala matalaysay oo sideed boqol ka badan oo markii danbana dhalay maamul danaha dadkaas & deegamadaas inuu ka shaqeeyo loo igmaday.
Go’aan iyo Mawqifka Xildhibaanada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka.
Xildhibaanada qaran ee labada aqal ee barlamaanka Federaalka ah;
Waxey soo dhoweynayaan heshiiskii Jabuuti ee dhexmaray DG Galmudug iyo ASWJ, waxeyna ku baaqayaan in heshiiskaas loo dhaqangaliyo qodobadiisa sidii loogu soo heshiiyey.
Waxay caddaynayaan in mudada xil-haynta hey’adaha sharci-dejinta iyo fulintu ay ku kala eg tahay sida uu qabo dastuurka Galmudug bilaha Juun 2019 & July, 4 2019 sida ay u kala horeeyaan.
Waxey hoosta ka xariiqayaan in ay tahay lama taabtaan ilaalinta nidaamka awood qeybsiga beelaha Galmudug wada dega oo ay saldhig u yihiin guurtida beeluhu inta laga gaarayo doorasho qof iyo cod ah.
Waxay adkeynayaan in dastuurka Galmudug uu noqdo mid lagu saleeyo maslaxadda reer Galmudug, dadka diyaarinaya ama dib u eegista ku samaynaya ay noqdaan kuwo ka wada turjumaya reer Galmudug oo isugu jira aqoonayahan iyo sharci-yaqaannada Galmudug, lagana saxo dhammaan qodobada kiciyey dareenka reer Galmudug ee danaha gaarka ah laga leeyahay.
Waxaan soo dhoweynaynaa kuna talinaynaa in loo dhaga-nuglaado dadaalka dawladda federaalka ah ay waddo gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dibuheshiisiinta iyo Federaalka ee xalka loogu raadinayo khilaafka madaxda maamulka iyo cabashada beelaha Galmudug ka soo yeeraysa.
Waxaan madaxda DG Galmudug ugu baaqaynaa ilaalinta heshiiskii Galmudug lagu dhisay oo ay saldhigga u yihiin nidaamka awood qeybsiga iyo dastuurka ka wada dhexayn kara reer Galmudug, illaa inta laga saxayo arrimaha la isku qabtayna aan tallaabooyin kale oo wax kicin kara lagu dhaqaaqin.
Wabillaahi Tawfiiq
Xildhibaanada Baaqaan soo saaray waxey kala yihiin:
Senatarada Aqalka Sare:
Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari)
Mudane Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer)
Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)
MudaneC/waaxid Cilmi Goonjeed
Mudane Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey)
Mudane Abuukar Axmed Xaashi
Marwo Jawaahir Axmed Cilmi
Marwo Samsam Daahir Maxamuud
Xildhibaanada Golaha Shacabka:
Mudane Axmed Macallin Fiqi
Mudane Zakariye Xasan Cali
Marwo Nadiifo Faarax jaamac
Mudane Maxamed C/lle Faarax
MudaneXuseen Qaasim Yuusuf
Mudane Warsame Maxamuud Xasan (Joodax)
MudaneSaadaq C/kariim Xaaji Ibraahim
Mudane C/saabir Nuur Shuuriye
Mudane Faarax Cabdi Xasan
Mudane Cali Axmed Shariif
Marwo Sahro Cumar Maalin
Mudane Mahad Maxamed Salaad
Mudane Qaasim Maxamed Jaamac
Marwo Duniyo Maxamed Cali
Mudane Mustaf Sh. Cali Dhuxulow
MudaneC/raxmaan Maxamed Xuseen
Mudane Xasan Macallin Maxamuud
Mudane Cabdi Shire Jaamac
Marwo Ikraam Aadan Waasuge
Mudane C/qaadir Gaafow Maxamuud
Marwo Maryan Maxamed Xuseen
Marwo Naciimo Maxamed Gacal
Marwo Maryan Cabdi Geeddi
Mudane C/weli Maxamed Qanyare
Mudane C/shukuur Cali Mire
Mudane Xirsi Aadan Rooble

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.