Daawo:Dowlada Soomaliya oo 250 kun oo doolar ugu deeqday ninkii dalka iyo dadka Xaalufiyey

madoobe

Wafti uu Hogaaminaayo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaliya oo kamid yahay Wasiirka Duulista hawada Soomaliya iyo xildhibaano ayaa waxay soo gaareen Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Maamulka Jubbland waxayna kulan la qaateen Madaxda Jubbaland oo ugu horeeya Madaxwaynaha Jubbland axmed Madoobe.

Waftigaan Muqdisho ka yimid ayaa waxay ku wareejiyeen Maamul jubbland lacag dhan 250 Kun oo Doolar taas oo loogu talagalay in wax looga qabto dhibaatoyinka Roobaab iyo fataahada, Hadaba waxaa is waydiin leh Madaxwaynaha Jubbland Axmed Madoobe oo uu dhaqaalo Badan kasoo galo Dekada Kismaayo taas oo Badeecooyin laga soo dajiyo Dhuxulna Laga Dhoofiyo ma ahayn in dhaqaale kale loogo daro iyadoo gobolo badan oo Soomaliya aya ka jiraan dhibaatooyin farabadan sida Fataahada wabiyada Shabeele, Jubba iyo Shacabka gobolada waqooyi oo Roobab iyo Dabaylo wax yeeleeyeen taas oo sababtay dhimaasho iyo burbur shaqaale.

Lacagataas oo Axmed madoobe uusan ubaahnayn waxay shacabka Soomaliyeed ku reebaysaa Niyad Jab iyo dib udhac balaraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.