Beesha Caalamka oo ku baaqday in la joojiyo Dagaalka Tukaraq

beesha

Beesha caalamka iyo Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladaha dagaal ee ka aloosan degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, iyagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo Gacan ka hadalka.

War ay si wada jir ah usoo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark, Itoobia, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa lagu cambaareeyay dagaalka, iyagoo ku baaqay inay nabadda ilaaliyaan Labada dhinac.

War murtiyeedkan ayaa sidoo kale lagu faray Labada dhinac ee Soomaaliland iyo Puntland inay billaabaan wada hadal dhex-mara taliyeyaasha ciidamada goobta ku sugan, ayna ka wada hadlaan sidii loo kala qaadi lahaa Ciidamada iyo isweydaarisga maxaabiista la kala qabsaday.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale walaac ka muujisay Dadkii ka bara kacay dagaallada, waxayna ku baaqeen in la sameeyo jawi gargaar lagu gaarsiin karo Dadka ka qaxay iyo kuwa ku dhibaataysan aagga lagu dagaallamayo.

Beesha caalamku iyo saaxiibbada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dhacdadani inay kusoo beegantay xilli ay jiraan xaalado Bini’aaddannimo, gaar ahaan wakhti ay Dhulkaasi ka taagan yihiin dhibaatadii ay geysteen Duufaanno, Roobab iyo Daadad xooggan oo ay waxyeello badani ka dhalatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.