Daawo:Somaliland oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay shacabka Laascaanood

Somaliland Ayaa waxay Cunaqabatayn kusoo rogtay Shacabka Magaalada Laascaanood waxaana laga mamnuucay Hubka Gaadiidka iyo Shirarka aan Dowladdu ogeyn Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada laascaanood xubno wasiiro ah iyo Gudoomiyaha Golaha wakiilada ayaa Digniin loogu diray Dadweynaha Magaaladaasi waxaayna u qornayd sidaan.

Marka laga reebo ciidanka Booliska oo kaliya, waxaa reeban sidashada iyo la dhexmarka hubka magaalada gudaheeda,
Waxaa reeban in magaalada lagu dhexmaro gaadiid an laheyn Taarigada (Plate) gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland
Waxaa la mamnuucay qabashada shirarka iyo shir-saxaafadeedyada aan oggalaansho ka haysan guddiga nabadgalyada gobolka Sool
Cid kasta oo ku talaabsata falal kicin ah oo ku lid ah nabadgelyada gobolka sool waxaa loo qaadanayaa danbiile
Ciddii ku xadgudubta Amarada ku qoran xubnaha 1, 2, 3, & 4 ee wareegtadan waxaa laga qaadaya tallabada sharciga ku haboon
Dhamaan xubnaha gddiga nabadgelyada gobolka sool, xubnaha hay’adaha amniga ee gobolka sool iyo degmada laascaanood waxaa la faraya iney toos ugu howlgalaan fulintan amarkan,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.