Qaramadda Midoobay oo Ku Baaqday in La Joojiyo Dagaalka Ka Socda Tukaraq

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating oo qoraal kasoo saaray xafiiskiisa ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dagaalka dhiiga ku daadanayo ee ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.
Waxa uu sheegay in colaad aysan waxba tareyn balse loo baahan yahay in xasarada loo bedelo wada hadal labada dhinac ee Maamuladda Somali-land iyo Puntland ay yeeshaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa ku waramaya In halkaas laga maqlayo rasaas ay isweedaarsanayaan labada dhinac.

Maamulada Somali-land iyo Puntland ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.