Federaalka Soomaliya ma demoqaraadhiyad iyo xukun la daadejiyey baa mise waa kalitalisnimo la daadajiyey? W/Q JimCaale

jim

Waa su,aal aan rogrogis iyo baaris u baahney ee jawaabteedu banaanka taalo,balse aan taariikhda aduunyada dib ugu laabto,taarikhdii bilowga (stone age),tii isadoonsiga( Slavarey),waqtigii dhulgoosiga (land lords),Hantigoosi (capitalisim) iyo Hantiwadaag(Socialisim),mar kasta hogaamiyayaasha isbedeladaas horboodaayey waxaa dimoqaraadiyad u ahayd sidii ay wax u rabeen ama maamuladoodu u shaqeynayeen waana ku faraxsanaayeen, sidaas awgeed dimoqaraadhiyadu malaha micne gaar ah oo ay leedahay marka laga reebo micnaha ay siiyaan kuwa hadba ku quruxsada waxa ay faraha kula jiraan ,haddaan soo koobana qof kasta waxa uu markaas rabo baa dimoqaraadhiyad u ah ,qaar baaba is qaawiyey kuna tilmaamay diqoqaraadhiyad ee yaan bahashu idin hodin.muuqaaladaas habsiyaasadeed ee adduunyadu soo martay markaan milicsaday waxaan is weydiiyey, halkee Soomaaliya mareysaa manta oo ku sugun tahay? Haddaba muuqaalka ama humaagu wuxuu iila ekaaday habmaamuleedkii saddexaad ee aduunyadau soo martay ee ahaa DHULGOOSIGA.
Aaan tafsiir gaaban ka bixiyo dhulka waxaa qaybsaday shaqsiyaad kooban oo awood helay si kasta ha ku helee,ayyaga laftoodana heshiis ma ahayn oo dagaalo baa dhexmari jirey,ninkii laga adkaadana dhulka iyo dadkiisa waa lagalawareegi jirey,xuduud dhuleedka nin kasta haysto dadka iyo hantida taala asaga ayaa lahaa sow doono buuna ka yeeli jirey,cid ka daba hadli kartey ma jirin, hadday dhacdana waa la waayi jirey.
Haddaba aan talada akhristayaasha wax ka siiyee dawlad gobolyeeyada naloo qaybiyey habkii dhulgoosiga ma u muuqaal egyihiin?Jawaabta kharistayaasha waa denbeysaa ee aan tayda dhiibtee, waxaan qabaa haah,sabaha hoose awgood;-
1_ waxaa dhacday odayaal dhaqameedyo cabasha muujiyey oo deegaankii ay fac ka fac ku noolaayeen laga masaafuriyey.
2-Kuwa kale waxaa laga mamnuucay in ay shiraan oo afkaartooda isdhaafsadaan.
3-waxaa la ma saafuriyey xildhimaano xisaanad leh shacbiga matala markii ay tilmaameen khaldaad jira,qaarna waaba la hiray,waxaa la mid ah suxufiyiinta Soomaalida ee ka hawlgala daafaha dalka Somaaliya.
4-waxaa laga ilaaliyaa dadka aragtida wadaniyada iyo dawladnimada,qaar la laayey,qaar la xirey iyo handadaad iyo cagajugleyn joogta ah,tusaale Abwaanadii Soomaaliland lagu xirey iyo suxufiyiin,tii Kismaanyo ka dhacday oo gabadh reerkoodii adeeg u soo dirsaday la waayey mudo saddex cishaa,suxufiinta waxa gaara maalin kasta,odydhaqameedyada la masafuriyey iyo kuwa shirarka laga mamnuucay , Garoowe oo gabadh lagu ruqseeyey loona hanjabey,yanaan ka reebin tan xabsiga lagu dhexceejiyey Qabridahare oo nafteedii weydey,ileyn waa tusaale cad in aan melena noo fiyoobeyne,bal eega Soomaaliyey xaalku suu yahay,kana fakara Federaal iyo maamul dawladeedka naloo sameeyey, ileyn manaan samaysan shacbiguna ma doorane xaalku suu yahay,Ma is weydiiseen haddaan laga tashan Eebbe dad buu naga dhigaye halka noo danbayn doonta.Bal ka warama sidii waqtigii dhulgoosiga manta nin walba nin uu gorgorsanaayo inta uu gacanta ku haysto shacbigana in ay ka hadlaan aan loo ogolayn sida ka dhacday Garoowe iyo Kismaanyo oo odayaasha ,aqoonyahanada iyo waxgaradka laga mamnuucay in wax shirar ah ku qaban karaa oo wax isweydiiyaan Gudaha Puntiland iyo Jubaland,sababtu waa inta faasixida qaybo ka mid ah dhulka sida dekedaha iyo meelo kale hirgalayaan in dadka la caburiyo oo la cadaadiyo.
Aan soo gabagabeeyo (CID AAN IS DULEEYN EEBBE MA DULEEYO)qaar dhagarqabayaasha ka mid ah baa dadka ku beer dulusanaayey awalba qabiil baan ahayn ee haddii aan qabiil u kala baxno oo federaal qabiila samaysano maxaa ku jaban?Alle ka madoobee barfasoornimada uu sheegtaa garashadeedu ma saas baa?Sowse kuwa dhegeysanaayey ee madaxa u ruxaayey kama liitaan?LAX WALBA HALKA AY IS DHIGTO BAA LAGU QALAA.Soomaaliyeey weli waqti baad haysataa ee is daba qabo kana hortaga dhagarqabayaasha magaca Soomaaliya in la baabi,iyo loo ageegsanaayo,hankooduna yahay wax yar oo ay jeebka ku qaataan.Maxaase ku dhacay xeer ilaalinta Soomaalida,Xeerkii ciqaabta Soomaaliyeed ma laalanyahay,arimahaan sow ku tagrifal awoodeed iyo qiyaamo qaran maaha?
Wabilaahi Towfiiq,
Qofkii fikir ka duwan haya igu soo hagaaji
Abdullaahi Jimcaale Farax,
Saanyar30@hotmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.