Wax Ka ogow Farqiga Udhaxeeya Jubbaland iyo Puntland

madoobe

Waxaan rabaa in aan bulshada Somaliyed u iftiimiyo Farqiga u dhaxeeyo Jubaland iyo Puntland!
Puntland waa Maamul Facwayn islamarkaana xor ah dhamaan deegaanada uu ka arrimiyo, waana deegaano si xuriyad leh aad ugu raaxaysanayso safarka dhulka, way jirtaa dhaliilo badan oo lagu tuhmayo hogaanka sare ee puntland balse waa aqoon yahan dhan kasta uga dabaalan karo khilaaf kasta oo soo wajaho, halka bulshada reer puntland ay yihiin kuwo xor u ah xuriyada hadalkooda aragtida dareenkooda dawlada saxaafada ayaa sidoo kale ah kuwo inta badan si xor ah u soo gudbiyo waxyabaha ka jiro Puntland dhanka kale kama jirto Is hortaag aragtida siyaasi waxuuna ogol yahay Mamulka Puntland aragtiyada siyaasiinta aqoonyahanada iyo musharaxiinta ka afkaarta iyo hadalka duwan maamulka hada talada hayo ee puntland Dr C/ Cali Gaas waa aqoon yahan ay ku jirto iska caabin iyo Xifaaltan Siyaasadeed sidaasi darteed Isma bar-bardhigi karo Labada Maamul.
Jubaland iyadoo horeyba loo saluug sanaa Ismagacaabistii Axmed Madoobe ee ku aadanayd maxtinimada Jubalnd ayuu ku darsaday cadalaad daro xuriyad la’aan iyo dhibaato joogta ah oo aan loo meel dayin, waxaa jacjuub ku jiro xildhibaanada masmulka mana jirto hal mas’uul oo sheegi karo ciladaha Axme Madoobe, sidoo kale ma jiro siyaasi arragti ka duwan kan Axmed Madoobe ku dhex sheegi karo Kismaayo, 5 sano iyo bar maamulka uu hogaamiyaha u yahay Axmed Madoobe ma dhaafo magaalada kismaayo kamana war hayo xaladaha bini’aadanimo ee haysto qeybo ka mid ah Deegaanada Jubalnd.
Sadexda gobol ee uu sheegtana, hal gobol waxaa si buuxda uga taliyo ururka alshabab halka labada kalana ay qaybo ka mid ah maamulaan Isla ururka alshabab, qofka mas’uulka ah ee somaliyed kuma safri karo gaari gobolada Jubalnd sababtoo ah, alshabab ayaa badi maamulo deegaanada Jubaland, marka ay masuuliyiintu doonayaan in ay tagaan deegaanada uu maamulku gacanta ku hayo waa lama huraan in ay racaan diyaarad geyso degmada ay u socdaan sidoo kalana ay dib diyaarad kale ugu laabtaan,
5 Shantii sano iyo barkii axmed madoobe maamulay magaalada kismaayo sida qarsoon ee aan ogahay waxaa xiran laamiga dheer ee isku xiro goobweyn iyo magalada Kismaayo baburta shacabkana looma ogolo in ay isticmaalan wadadaasi Kismaayo waa go’doon ay ku hareeraysan yihiin ururka alshabab, degmooyin gobolka jubbada hoose ee ay Maamulaan alshabab waxaa ka mid.
Degmada Badhaadhe’
Degmada Xagar.
Degmada Jamame.

Tuulooyinka u dhaxeeyo Kismaayo. Iyo Jamaame. Ee ay haysaan Ururka Slshabab.
Turdho Wirkooy. Araare. Fagaan. Buulo-muufo. Mugaanbo. Mashaqo. Barsanguuni.Baled-amiin. Kamasuma. iyo Tuulooyin fara badan.
Deegaanada Gobolka Jubada Hoose ee u dhaxeeyo dhoobley ilaa kismaayo ee ay haystaan alshabab waa,
Jiinay-Cabdala. Gaanjo-roon. Cabdi-dhoore. Beerxaani. Awilnaa. Dalbiyo.Galbis. Qudus. Aboodi. Buulo-Xaaji. Sandaara. Dalaayad. Waraha-dhoobley. Iswiidhan. Iyo Tuulooyin kale oo badan.
Waxaa gabi ahaan maqan gobolka Jubada dhexe degmooyin deegaano iyo tuulooyin, waxaana maamulo alshabab, degmooyinka jubbada dhexe waa.
Bu’aale. Jilib. Xaramka. Saakoow. Salagle.
Iyo ugu yaraan Afartan Tuulo oo hoostaga Gobolka Jubbada Dhexe.
Guud ahaan waxaa gacanta maamulka ku jirto 7da degmo ee gobolka gedo waxaana degmooynkaasi xoreeyey ciidamada xooga dalka ee ka howlgalo gobolka gedo in kastoo tuulooyin badan oo ka tirsan gobolka gedo ay maamulaan alshabab.
Axmed Madoobe si loo ilaawo wax qabad xumada baahsan iyo taariikhda madow ee ay ka dhaxleen bulshada reer Jubalnd wuxuu Shir u qabtay guud ahaan mamulada hoostago dawlada faderalka somaliya waxayna sameysteen golle ay ku midaysan yihiin kaas oo madaxwyne loogu doortay Dr C/ Cali Gaas
Axmed Madoobe wuxuu ku darsaday waxqabad xumadiisii bur-burin iyo daba maryeyn uu ku bilaabay dawlada Somaliya, hadaba bulshada Jubbalnd yaa u maqan?
Axmed waa shan shaatile xiriir soo jireen ah la leh alshabab, wuxuna xaalufiyey dhirtii, yaa weeye dadkii iska qaban lahaa Axmed Madoobe? Jubalnd kismaayo oo kaliya maahan Kismaayana Jubaland oo dhan maahan!
Qore Saabir Abdulkadir Warsame

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.