Daawo:Raysawsaare Khayre oo sheegay in 3 Million oo dollar ku bixinayso dhamaytirka Dastuurka

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta daah furay Shirweynaha Qaran ee geeddi socodka Dib U eegista Dastuurka, oo socon doona ilaa 15-ka Bishaan.

Shirweynahaan oo ay soo agaasintay wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo Guddiyada Dastuurka ee labada Aqal ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra”iisu Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Dastuurka XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ,xubno matalaya Baarlamaanada Dowlad-goboleedyada dalka, Beesha Caalamka iyo inkabadan 300-boqol oo qof oo isaga kala yimid gudaha daka iyo dibadiisa.

Rasawsaraha Soomaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxuu sheegay Qof-walba oo Soomaaliyeed waa in uu ogaadaa in dawladnimaddu aasaaskeedu ay dhamaystirmayso markii shacabka dib loogu celiyo awooda dawladnimo, si ay qayb uga noqdaan Dib-u-eegista Dastuurka dalka. Xukuumaduna waxay balan-qaaday in ay kaga qayb qadanayso 3 Million oo dollar Dib-u-eegista Dastuurka dalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.