Daawo:Qodobadii ay ka wada hadleen Michael Keating & Madaxweynaha Puntland

gaas

Madaxweynaha Dowlaad-goboleedka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta waxaa uu xafiiskiisa Kulan kula qaatey Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating.

Madaxeynaha Puntland oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael keating ku yimid Caasimada Puntland ee Magaalada Garoowe oo aysan ahayn markii ugu horeysay ee uu noo yimaado marar badan ayuu halkaan noogu yimaadey runtii markasta oo uu nooyimaado wanaagbay noo tahay anaga, sababtoo ah waxaan ka hadalnaa arrimo muhiim u ah Puntland iyo Soomaaliyaba waxaan maanta ka wada hadalney geedi socodka nabadda Soomaaliyeed waxaan kawada hadalanay arrimaha nabad gelyada iyo amniga dalka, waxaan kawada hadalna arimaha siyaasada, horumarinta iyo sidii Soomaaliya horey ugu socon lahayd, dabcan shaqadiisa caadiga ahayd oo dalka meela badan oo kamida uu ku tagi jirey ayey ahayd, anagana wanaag bay noo ahayd, waxaa ka soo wareegtay lix bilood markii ugu danbeysay ee uu noo yimaado, markaa wixii isbadal ahaa ee dalka ka dhacay baa ugu muhiimsanaa iyo muhiimada ay leedahay Federaalisimka iyo dastuurka, arimahaasna kuli waan kawada hadalnay, markaa guul bay noo ahayd wadahadal kayaguna wuxuu ahaa mid ku dhacay jawi wanagsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.