Ismail Mohamed oo u tartamayay xaafada 25 ee Columbu Ohio ayaa looga adkaaday Tiro yar”Sawiro”

Gabi ahaan dalkan Mareykanka waxaa ka socda doorashoyinka dhexe ee sanadk 2018 Soomaalida Mareykankuna waxay ka mid yihiin dadka u ordaya kuraasta kala gadisan ayaga oo ka tartamaya gobolo kala duwan.

Hadaba gobolkani Ohio magaalada Columbus degmadda 25 waxaa u tartmaya sadex qof oo ka socda xisbiga Democracy midka mid ahna waa Ismail Mohamed oo ah nin dhalinyaraa isla markaana ah qareen.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay Kooxaha ololaha Ismail wadeen dadaal ku aadan sidii ay u gulaysan lahaayeen iyaga oo gaarayay ama tagayay xaafadaha Soomaalida iyo ajanabigaba leh waxayna soo bixiyeen ama goobta doorashada gaarsiiyeen dad aad u badan.

Asbuucii ugu danbeeyay waxa uu ahaa midkii ugu adkaa ololaha doorashada waana sanadkii ugu horeeyay ee ay Soomaali badan ka qeyb qaateen waxa loo yaqaan Early Vote taas oo xaqiiq cabsi galisay dhinacyadii la tartamayay Ismail.

Hadaba markii ay soo xirmeen goobihii codbixinta waxa ay Soomaalidii isugu yimaadeen Maqaaxida weyn ee Pizza House oo ay soo buux dhaafiyeen boqolaal Soomaali ah ka warsugayay natiijada doorashada iyaga oo rajo fiican ka qabay in uu Ismail guuleysto.

Wax hadba ay tirinta codadku is badalaan waxaa soo baxay natiijada oo noqotay mid aan farxad galin Soomaalidii goobta joogtay iyo Ismail Mohamed.

Waxana ismail laga koreeyay codod gaaraya sideed boqol 800 waxa ayna u kala heleen sidan.

Bernadine Kennedy Kent oo heshay (Afarkun sideed boqol sideetan iyo kow 4,881 )

Ismail Mohamed oo helay ( Afar kun konton iyo sideed 4,058)

Lamar D Peoles oo helay ( kun shanboqol sodon iyo labo 1,532) Hadaba codadka uu helay Ismail waxa ay ahayeen kuwo muujinaya suurtogalnimada in gobolka Ohio oo aysan Soomaalidu wali ka tartamin ka samayn karaan isbadal siyaasadeed, waxa ayna uga dhigneeyd iyaga oo guuleystay.

Waa markii ugu horeysay oo qof Soomaali ah sameeyo tartan adag oo noocan oo kale ah waxana ismail uu furay wadadii ay qaadi lahayeen jiilasha Somalida Ohio ee aqoonta u saaxiibka ah.

Deeqo Shire (SONNA)
Deeqosonna@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.