Daawo+Sawiro: Ciidamada qaybta 21,aad iyo Nabadsugida Qaranka oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Gudiga Xasilinta Galmudug aya garay Qalaanqale

galmudug

Ciidamo ka wada tirsan qaybta 21,aad iyo Nabadsugida Qaranka ee Galmudug oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Gudiga Xasilinta Galmudug, ayaa gaaray Deegaanka Qalaanqale ee tuleedka Degmada Caabudwaaq oo ay ku dagaalameen qoysas ka mid ah xoola dhaqatada deegaankaasi.

Ciidamadan ku baxay dadminta xiisadan oo Mudooyinkii dambe u dhaxaysay dad walaalo ah, oo dhul iyo dhalasho wadaag ah ayaa la sheegay inay salka ku hayso dilal hore u dhacay, waxaana iska horimaaadkan u dambeeyay oo dhacay maalitii sabtida uu sababay qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Ciidamadaan oo ay hogaaminayeen Taliyaha qaybta 21,aad Jen,Cabdullaahi Aadan Xusene Cirro iyo Taliyaha nabadsugidda qaranka eee Galmudug Col,Cali Cilmi Yuusuf Ilkacase iyo Saacid Ashkir Dhudub oo ka tirsan Gudiga Xasilnta Galmudug ayaa subaxnimadii Hore ee Axada gaaray degenaaka si loo baajiyo inuu dhiig dambe ka dhex daato, iyagoo kala dhex dagay labada dhinac, waxaana ay la kulmeen si loo gaaro xal nabadeed dhinacyadii dagaalamay.
warbixintii Cabdikariim Bulxan

galmudug

galmudug

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.