Axmed Madoobe iyo kooxdiisi oo ku fashilmay inay is hortagaan Gudiga Taakulaynta Fatahada wabiyada inay tagaan Baardheere

jubalad

Goor hore oo saaka ah waxaa soo baxday in Wafdi uu horkacayay kuxigeenka RW abuukaate Mahdi, ay qorsheysteen in ay safar shaqo oo u kuurgalid xaaladaha kajira gobolka gedo ah ka kutagaan Degmooyin dhowr ah oo Gobolka Gedo ka tirsan kuwaas oo ay saameysay fatahaad uu sameeyey wabi weynaha Jubba.

Wafdiga ayaa la xiriiray masuuliyiin katirsan Maamulka Jubba oo uu ugu horeeyo Maxamuud sayid balse fajaca dhacay ayaa ah in sayidka uu masuuliyiinta ku wargaliyay in hadeey qiimeyn u socdaan ama gurmad ay wadaan ay kusoo hormaraan Kismaayo, si iyaga loogala hadlo wixii dadka dhibanayaasha ah loogu talagalay, fariintaas oo dad aan kamid ahayne ay aaminsanyihiin ineey tahay mid kor ka imaad ah.

Balse abuukaate Mahdi iyo xubno fulinta katirsan iyo sharci dajinta kana soo jeeda deegaanada Gedo ayaa ku adkeystay in booqasho iyo gurmad Gedo u socda aan kismaayo marti loogu aheyn, dadka dhibanna ay iyagu dowlad u yihiin, gaarsiin doonaane wixii karaankooda ah.

Wafdigii ayaa baardheere gaaray u kuurgalid xaaladaha jira iyo waxa ay qorsheynayaan in ay lawadaageen waxgaradka iyo maamulka degmada kadib waxay usii gudbeen degmooyinka dhaca waqooyiga Gobolka Gedo sida luuq ganaane iyo doolow oo iyagune ay qiimeynayaan heerka ay dhibaatadu gaarsiisantahay.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “ Ruqo ninkeeda uu ku fadhiyo ma kacdo” bal kawaran hadii masuul kasoo jeeda waqooyiga soomaaliya una danqanayo dadka dhiban haduu wax ka wadi la’yahay masuul kasoo jeeda deegaanka dhibaatadu kajirto, kuna hanjabayo in waxkastaa isaga loo soo mariyo dadka dhiban soo maah-maahdu makaan keeda ma ahan.

Waxaan bogaadinayaa maamulka Gobolka Gedo iyo kan degmooyinka dhibaatadu kajirto ee dhagaha ka fureystay cadaadisyada kaga imaanayo kismaayo, go’aan mideysanne ku qaatay in gurmad dadkooda dhiban loosoo wado aan meel dhibaato kajirin daba fadhi loogu noqdo, sidoo kale dowladda dhexe ayaan ku dhiiragalinayaa ineey halkeeda kasiiwado go’aanka ah in dhibanayaasha soomaaliya ku dhiban oo idil si toos ah loogu gurmado lana garowsado in shucuubta aan lagu haleyn maamulo magaalooyin ka arimiya.
Bal dib u laabo usbuuc kahor wafdigii kasocday maamulka jubba ee baardheere qiimeynta utagay maxay bulshada ula soo laabteen usbuuc kadib, soose xasadnimo ma ahan in dad aadan waxba ugu talagalin, waxne usoo wadin. hadane aad rabto junuuduu ilaahay usoo diray inaad kahor istaagto

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.