
Ra’iisal wasaare ku xigeynka Dalka Soomaliya Mahdi Maxamed Guuleed khadar ayaa ka hadlay Gurmadkii Fatahaadaha halka uu marayo waxaa uu ka warbixiyey socdaal ay ku tageen Magaalada Baladwayne ee gobolka Hiiraan halkaas oo wabiga shabeele Fataahad wayn ka gaystay taas oo dhibaato xoogan u keentay barakac balaran.
Raysawsaare kuxigeenka Dalka Soomaliya Mahadi Guuleed ayaa waxaa kaloo ka hadlay Fataahada wabiga Jubba kaas oo dhibaato u gaystay Bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo Gaar ahaan degmooyinka Baardheere,Luuq,Doolow Iyo Mgaalada Ceelwaaq oo Daadadka Roonka dhib u gaysteen waxuuna sheegay inay dowlada ay ugu Deeqday lacag dhan 500 oo Kun doolar siwax loogu qabto baahiyaha kajira Gobolka Gedo.
Leave a Reply