Daawo:Madaxweynaha Soomaliya oo kulan maamuus ah u sameeyey Xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17-ka sano

farma

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan dhiirrigelin, qado sharaf iyo bogaadin ah oo ku saabsan guushii Qaranka ee koobkii Bariga iyo Bartamaha Qaraadda Afrika (CECAFA) waxa uu la qaatay Guddiga Ciyaaraha Qaranka, Macalimiinta, Tababarayaasha iyo Ciyaaryahannada Qaranka Soomaaliyeed ee da’doodu ka yartahay 17 sano.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey xulka da’yarta Soomaaliyeed ee heer Qaran, daadaalka ay muujiyeen iyo sida ay caalamka ugu soo bandhigeen in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku lahaan karaan saaxada tartannada heer qaaradeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.