Reer Rag Leeyahay Roob Saan Ma u Galaa: Saxariirta Taallo Waddada Xiriiso Gedo

wado

Sanadkaan waxaa da’ay roobab xoog badan. Inkastoo roobabkaan baahi badan loo qabay in badanna Eebbe laga baryay, waxay la yimaadeen xoogaa qasaare ah. Dhibka ugu ballaaran ee hadda muuqdo waa in gobalka Gedo qarka u saaran yahay inuu kal xirmo maadaama jidka ugu muhiimsan ee isku xiro gobalka uu noqon rabo lama maraan. Warbixintaan hoose waxaan ila wadaagay Xasan Axmed Nuur oo shalay maray jidka isku xiro inta badan gobalka Gedo: Waa kan Baardheere iyo Balad-xaawo u dhexeeyo.

Waxaan ka baxnay degmada garbahaarey  shalayto saacaddu markay ahay 11am, annagoo ah shan nin oo xoog leh. Waxaan wadannay gaari suzuki vitara ah oo aad u xoog badan. Waxaan wadannay badeello iyo xargo waawayn oon ugu talo galnay inaan gaariga ku jiidno hadduu dhiiqo galo. Waxaan ku baxnay waddada aaddo godey kadib markii jidkii waynaa ee Balad-xaawo ay ka qodmeen boholo, meelana ay fariisteen dhagxaan taasoo ka dhigtay lama maraan.

Waxay nagu qaadatay waqti dheer inaan u daganno Gogolka , maadaama uu jidka si xun u jeexjeexay roobkii waynaa ee habeen sadexaad kaasoonan arkin waligay roob la xoog ah, xataa dayr qulqul (1997).

Waxaan u dagannay hoos iyo gogol, waxaanna kor istaagnay bohoshii qodaxleey ama jeedalaa, tassoo aanan laga sheekayn karin waxa ku dhacay sida ay u baddalmeen malkooyinki iyo meelihi laga korsan jiray. Waxaan istaagnay malkadii Maracadde, waxayna noqotay dabaq hoostiis oon hawo dambe lahayn. Waxaan aadnay Qooxle oo ku xigay, waaba sidi iyo si ka daran, waxaan ugu dambayn istaagnay malkadi Masalle-Adduun, taasoo aan si dirqi  iyo is biimayn ah isugu tuurnay, waxaana ilaahay nooga bixiyay si mucjiso ah.

Bohosha aan ka gudubnay biyaha ay qaadday  tiradooda qof nool oo soo gaaray maanan arkin, xataa biyo xirkii 1980kii oon anigaanu goobjoog u ahaa, waana waagi ay biyuhu la tageen aqalladannadi iyo xoolo badan. Waxaan xasuustaa inay hooyaday Allaha u naxariistee aniga iyo sadexda iga yaryar iyo faynuus iyo kubeerto ay ka badbaadisay aqalkeeda ayna nagu qaadday dusheeda, ilmihii kalana ay isasoo qaadeen, sidaasna ay nagu gaysay jiraxa Golhuur ka korreeyo.

Bohoshu waxay habeen sadexaad ka fakatay Malkadii Jeedalaa waxayna qabsatay buurta Qodaxleey waxayna la tagtay xoolo fara badan iyo aqallo ilaahayna wuu ka badbaadiyay dadkii, waxay dhulka dhigtay geedihii quracda ahaa ee waawaynaa oo caanka ku ahaa dhulka Gogolka.

 

Halkaas markaan ka gudubnay ayaan walaac iyo cabsi isu keennay, waxa naga horreeyo  waa bohoshii burguduud oo isu badashay wabigi aduunka u waynaa, ama wax ka daran.

Waqdi fiid danbe ah ayaaan kusoo dhacnay Tuulo-Barwaaqo oo caadiyan nusaac ka yar aan u socon jirnay. Halkaas ayaan habayn ki barinnay. Aroor hore subixii xigay ayaan ka kallahnay, waxaana Baladxaawo gaarnay 2pm maalinti danbe. Safarkaas ayaa isku dar nagu qaatay in badan 24 saac halki uu awal nagu qaadan jiray saddex saacadood kaliya.

Horay way dhici jirtay in waqtiga roobku jidadku xirmaan safarraduna dheeraadaan laakiin midkaan waa ka duwan yahay waayo waxaa muuqato in dhaawaca gaaray malkooyinki ay ka gudbeen dacay tir.

Jidka laga hadlayo waa midka kasoo baxo Baardheere kuna dhamaado Balad-xaawo. Wuxuu maraa msaaafo 250km ah. Wuxuu sii maraa magaalooyin dhowr ah oo ay ku jirto caasimadda (Garbahaareey) iyo tuulooyin tiro badan. Inuu xirmo waxay ka dhigan tahay inuu istaago isu socodka dadka ku nool deegaanka sidaas u ballaaran taasoo la imaan doonto burbur dhaqaale iyo mid nololeed.

Sida muuqato jidkaan damac danbe ma lahan. Wuxuu u baahan yahay buundooyin labo ah oo la saaro labada boholood ee ugu daran (Qodoxleey iyo Burguduud).  Muddo badan ayay socotay qaylo -dhaantu laakiin marna lama qaadin tallaabo wax ku ool ah. Waxaa loo baahan yahay in si dhaqso ah loogu istaago badbaadinta dadka noloshoodu ku xiran tahay jidkaan.

Maamulka Jubbaland oo masuul ka ah carradaan waxaa laga rabaa inuu hormuud ka noqdo xal u helidda mushkiladdaan. Sidoo kale, ganacsatada iyo qurba-joogta ayaa iyana laga codsanayaa inay gacan ka gaystaan sidii jidkaan loo furi lahaa. Waxaa taal fursad ganacsi oo muhiim ah maadaama ay suura gal tahay in si gaar ah loo maalgashado.

Xaaladda jidka intiisa kale mar kale ayaan idinla wadaagi doonnaa hadduu Eebbe idmo.

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.