Ciidamada Kenya iyo Jubaland oo lagu weeraray duleedka magaalada Kismaayo

Kooxda Al shabaab ayaa Waxaa la Sheegay in weerarkan ay ku qaadeen Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya iyo kuwa jubbaland kuwaas oo marayay degaanka Buulla gaduud oo qiyaastii 30 Km u jirta Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose.

Ciidamadaa Kenya Iyo Jubbaland ee la weeraray ayaa ka soo baxay Magaalada kismaayo ee gobalka Jubbaland iyagoona ku sii jeeday degaanka Buulla gaduud, Warar dheeraad ah oo laga helaayo degaanka Biuulla Gaduud ayaa waxaay sheegayaan in weerarka lagu qaaday ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan la sheegin tirada Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ee qasaaraha kusoo gaaray weerarkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.