Daawo:Imaaradka oo ku qasbay Madaxwaynaha Puntland hadal ay ka Naxeen shacabka soomaliyeed

gaas

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo Shir Jaraa’id ku qabtey magaalada Abu Dhabi, ee caasimadda wadanka Imaaraadka ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha Federaalka.
Madaxweyne Gaas ayaa ku dhawaaqay in maamulka Puntland ay heshiisyo caalami ah la geli karto dowladdo shisheeye iyo shirkado, isagoo soo qaatay qodobka 54-aad ee Dastuurka Puntland.
Gaas wuxuu kaloo yiri “awoodda dalka Soomaaliya oo dhan ma`ahan mid ku kooban magaalada Muqdisho, Soomaaliya ma ahan Muqdisho, Muqdishana ma ahan Soomaaliya.”

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kaas oo sababay in Imaaraadka ay joojiso tababarkii ay siin jirtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.