Safiirka IMaaradka Carabata oo wasiirada arimaha dibada Soomaliya looga Yeearay Si Su’aalo looga Waydiiyo

imarad

Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa waxay  u yeertay safiirka Isutaga Imaaradka Carabta u qaabilsan Soomaliya Maxamed Axmed Alxamadi, waxaana Safiirka Imaaradka loogu yeeray wasaarada arimaha dibada Soomaliya ee Magaalada Muqdisho Halkaas oo lagu waydiiyey Su’aalo Laxariira Xariirka sii Xumaanaya Soomaliya Iyo Imaaradka.

Kulankaas dhexmaray Safiirka Imaaradaka Carabta u qaabilsan Soomaliya Iyo Wasaarada Arimaha Dibada Soomaliya ayaa waxaa looga hadlay Xadgudubka ay shirkada Dp World ka  wado Soomaliya Iyo Imaaradka oo joojiyey dal kugalka ama Visa ay sii Jireen Soomalida  Iyo Faragalinta ay ku hayaan Imaaradka Madax banaaninada Dalka Soomaliya.

Safiirka Imaaradka ee Soomaliya  ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay ilaalinta Madax banaanida Iyo sharafta Shacabka Iyo dowlada Soomaliya wixii  is fahan la’aan ah oo labada dal ka dhexeeyo lagu dhameeyo wada hadal Madaama aan nahay labo dal oo walal ah.

Dhawaan bay ahayd markii ay labada aqal ee Barlamaanka Soomaliya ay ansixiyeen qaraar dalka looga Mamnuucaayo Shirka Dp World ee laga lee yahay dalka imaaradka taas oo heshiis la gashay Maamulada Somaliland Iyo Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.