Ciidamada Danab oo Lagu wareejiyey Xeradii Imaaradka ka Guureen ee Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya Xerada Ciidanka Jeneral Gordan ee Imaaraadka ay ku tababari jireen ciidamada Somalida, ayaa lagu wareejiyay ciidamada Danab oo laga keenay Gobolka Shabellaha hoose, gaar ahaan Garoonka Ballidoogle.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada Danab lagu wareejiyay ammaanka xeradan.

Shalay ayaa waxaa xeradan ku dagaalamay ciidamo ka tirsan kuwii Imaaraadka ay tababareen iyo ciidan Militari ahAmmaanka Xarunta Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan, ayaa hadda waxaa gacanta ku haayo ciidamada Danab ee Militariga Somaliya ka tirsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.