Safiirka Soomaaliya ee Pakistaan oo lagu eedeeyey Iibsiga Qamriga loogana Yeeray Muqdisho

safiir

Wararka Naga Soo gaaraya dalka Pakistaan ayaa waxay sheegayaan in Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Islaamabad ee Caasimadda Bakistaan ayaa la ogaaday in uu ka dhex jiro suuq lagu iibiyo Qamriga oo ay abuureen Madaxda Safaaradda oo ay ugu horeyso Safiirka Soomaaliya u fadhisa dalkaas Marwo Khadiija Maxamed Almakhsuumi oo ah Xaaska Madaxweynihii Galmudug C/kariin Guuleed.
Qamrigan waxaa lagu keydiyaa laguna iibiyaa meel ka baxsan dhismaha Safaadda, waana guri ay kireeyeen Madaxda Safaradda uguna talagaleen in Qamrigan lagu iibiyo, waxaana ku xiran macaamiil badan oo ay ka mid yihiin diblomaasiyiin matala waddamo caan ah.

Madaxda Safaaradda Soomalida Pakistaan ayaa waxa ay ka faa’iidaan lacag gaareysa seddax boqon oo kun oo doolar ($300,000) lacagtaasna waxaa qaata Danjire Khadiija Almakhsuumi iyo Kuxigeenadeeda sida wararka sheegayaan.

Wasaraada Arimaha dibada Soomaliya ayaa waxay Safiirka dalka Pakistaan ugu yeertay inay si dag daga Muqdisho ku timaado halkaas oo ay kusugan tahay warar ayaa sheegay in laga yaabo in shaqada laga qaado.
warqad

warqad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.