Daawo:Raysawasare Khayre oo sheegay in la eryo cidii aan shaqadeeda gudan

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ka qayb galay shir looga hadlayay amniga dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho, ayaa si wayn ula dar-daarmay Saraakiisha ciidanka Booliska iyo dhammaan hay’adaha amniga. Wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan ciidanka iyo dawladoodda, taasina ay tahay fursad muhiim uh wadashaqaynta shacabka iyo dawladoonimadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah, sidoo kalena waa in loo shaqeeyaa sidii hore hab ka duwan, taas oo looga fogaanayo musuq maasuqa iyo ilaalinta ammaanada aan hayno oo ah mas’uuliyadda, waana sida kaliya ee shacabka Soomaaliyeed nagu aamini karaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.