Madaxwaynaha Soomaliya oo ku wajahan dalka Sacuudiga

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta ku wajahan dalka Sacuudiga.

Waxaana mudada uu ku sugan yahay Madaxweynaha soomaliya ayaa kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta ugu sar sareysa Boqortooyada Sacuudiga, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo arrimo kale.

Wafdi horudhac u ah Madaxweynaha ayaa sadex maalin ka hor gaaray dalka Sacuudiga, kaas oo uu horkacayo Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, si ay uga qeyb qaataan qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.